Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey

Published: September 10, 2022
axmed madoobe muqdisho

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho.

Wasiirada arrimaha gudaha, amniga warfaafinta, xildhibaano, saraakiil ka socotey xafiiska raysalwasaaraha ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa maalintii shalay ee Jimacada gaarey Kismaayo oo uu ka maqnaa tan iyo bishii Luuliyo oo uu arrimo caafimaad uga amqnaa.

Shirka dhawaan furmaya!

Sida Horseed media lagu daabacey maanta, Axmed Madoobe ayaa ka qayb-galaya shirka lagu wado maalinta Axadda ee berri ah in uu ka furmo Muqdisho ee u dhexeeya madaxda dowlad goboleedyada jamhuuriyadda iyo Madaxweynaha dowladda federaalka, kaas oo looga ambaqaadayo doorashadii Xasan Sheekh kadib.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qaybgeli doona shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, ee sanadkan 20-23 Sebtember, shirka Muqdisho ayaa muhimad gaar ah u leh isla amrkaana xoojinaya awoodiisa maamul.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *