Shir u dhexeeya dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka oo Muqdisho ka furmaya?

Published: September 10, 2022
khilaafka wasaarada maaliyadda dowlad goboleedyada

Wararka Horseed media soo gaaraya ayaa sheegaya in todobaadkan uu Muqdisho ka furmaayo shir u dhexeeya dowlad goboleedyada dalka iyo dowladda federaalka, kadib markii la xaliyey tabashooyin ay qabeen qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada.

Shirkan oo uu hindisihiisa lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorshuhu ahaa in lagu qabto magaalada Garoowe, kadib markii Xasan Sheekh sidaas soo jeediyey, laakiin talooyin iyo wada tashi kadib waxa shirka loo soo wareejiyey Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wefdi gaar ah u direy Cabdicasiis Laftagareen Madaxweynaha Koonfur Galbeed si loogu qanciyo shirka, maadaama uu arrimo badan uu tirsanaayey, waxaana hadda wararku sheegayaan in uu shirka ka soo qayb-galaayo.

Dhanka kale Axmed Maxamed Islaan Madaxweynaha mudada dheer ee Jubaland oo muddo laba bilood ku dhaw Kismaayo ka maqnaa muuqiisana aan la arag oo arrimo caafimaad dalka dibadiisa ugu maqnaa ayaa Kismaayo dib ugu laabtey. Axmed Madoobe ayaa baarlamaankiisu muddo kordhin kale oo hal sano ah u sameeyeen.

Madaxweyene Xasan Sheekh ayaa wararku sheegayaan in maalinta Salaasada ah ee 13 Sebtember, uu ka qayb-galaayo caleema saarka Madaxweynaha Kenya ee la doortey, kadib 17-19 Sebteembar, waxa uu u safrayaa dalka Maraykanka.

Xasan Sheekh ayaa doonaya ka hor shirka golaha amaanka ee loo dhan yahay in u qabsoomo shirka ay isugu imaanayaan Dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *