Madaxweynaha Kenya oo amray in ciidamado la geeyo gobolka Rift Valley ee dalkaas

Published: February 14, 2023

Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto ayaa amar ku bixiyay in ciidamada ay ku biiraan howlgalka lagu sugayo amniga ee ka dhanka ah burcadda hubeysan ee ka dagaalanta gobolka Rift Valley ee waqooyiga dalka Kenya.

Amar dowladda ka soo baxay ayaa lagu sheegay in ciidamada la geyn doono halkaas si ay u taageeraan booliiska laga bilaabo maalinta Arbacada.

Burcadda hubaysan ayaa tobaneeyo qof ku dilay halkaas bilooyinkii la soo dhaafay.

Amarkan ayaa imaanaya xilli wasiirka arrimaha gudaha uu ku dhawaaqay qaybo ka mid ah lixda degmo ee gobolka inay ku suganyihiin khatar, isagoo ku soo rogay bandow habeenkii ah oo socon doona 30-maalmood.

Horseed Media