![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/12/laftareen.jpg)
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magacaabay wasiiro cusub, isagoo xilka qaadis ku sameeyay Wasiiro horey uga tirsnaa Golihiisa Wasiirada.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa xilka Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed loo magacaabay inuu noqdo Ibraahim Cali Aadan Janax oo horey u ahaa Guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale Lafta-gareen ayaa Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo gaadiidka badda u magacaabay Cali Maxamed Cali, halka Cumar Axmed Aadan laga dhigay Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Hoos ka akhriso:
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/12/wareegto-509x720.jpg)
Horseed Media