Madaxweynaha KOSOVO oo iscasilay si maxkamad loo soo taago!

Published: November 6, 2020

Madaxweynaha Kosovo Hashim Thaci ayaa Khamiistii shalay xilka iska casilay kadib markii dacwad ka dhan ah loo gudbiyey Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada Dagaalka ee fadhigeedu tahay The Hague, dalka Holland.

Madaxweyne Thaci ayaa si lama filaan ah xilka isaga degay isagoo sheegay inuu doonayo inuu illaaliyo sharafta xilka uu hayo isla markaana uu isu dhiibi doono Maxkamada Caalamiga ah, diyaarna u yahay inuu wajaho dacwada loo heysto oo la xariirta danbiyo dhacay xiligii uu socday dagaalkii u dhaxeeyey Kosovo iyo Serbia sanadihii 90-aadkii.

Hashim Thaci ayaa xiligaasi ahaa hogaamiyaha Jamhadii reer Kosovo ee la dagaalamayey ciidamada Serbia ee dhulkaasi heysan jiray.

Shalay gelinkii danbe ayaa Mr. Hashim Thaci loo gudbiyey magaalada The Hague ee xarunta Maxkamada Caalamiga ah.

Thaci oo xilka Madaxweynaha Kosovo hayey tan iyo sanadkii 2016 ayaa sheegay inuu iska difaaci doono danbiyada loo heysto, wuxuuna sheegay in dagaalkii uu ka qeyb qaatay ee xoriyad doonka ahaa uu ahaa mid xaq ah, isagoo iska fogeeyey inuu geystay wax danbiyo dagaal ah oo ka baxsan sharuucda caalamiga ah.

Dagaalkii u dhaxeeyey shacabka Kosovo oo u badan Muslimiin iyo ciidamada Serbia ee Kirishtaanka ah oo heysan jiray dhulkaasi ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 13-kun qof oo shacab ah kahor intii aysan soo faro gelin ciidamada NATO.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *