Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo dhiggiisa Ukraine ku qaabilay Washington

Published: December 22, 2022

Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa gaaray Magaalada Washington ee dalka Mareykanka, waana safarkiisii ugu horreyay ee uu ku taggo meel ka baxsan Ukraine, tan iyo markii uu Ruushku weeraray dalkaasi 24-kii bishii February.

Madaxweyne Joe Biden ayaa Aqalka Cad ku soo dhaweeyay dhiggiisa Ukraine, kaasoo ay ka wada hadleen arrimo ay ugu muhiimsan yihiin, sidii Washington ay u kordhin laheyd taageeradeeda militari ee Kyiv.

Madaxweyne Biden ayaa Zelenskyy u xaqiijiyay in dalkiisa uu siin doono nidaamka difaaca hawada ee Patriot, oo qayb ka ah hal dhibic shan iyo sideetan bilyan oo dollar ($1.85bn) oo gargaar militari ah.

Volodymyr Zelenskyy, Madaxweynaha Ukraine oo ka hadlayay Xafiiska Oval ayaa u mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Mareykanka.

Madaxweyne Biden ayaa dhankiisa sheegay in Mareykanku uu Ukraine u tababari doono ciidamo adeegsada gantaalada Patriot-ka, inkastoo sida uu sheegay ay tani waqti qaadan doonto.

Gantaalada Patriot-ka waxaa lagu tilmaamaa hannaanka difaaca hawada kan dunida ugu horumarsan, kaasoo awood u leh inuu soo rido gantaalada Cruise-ka, diyaaradaha dagaalka iyo noocyada kale gantaalada ee ay ku hubeysan yihiin Militariga Ruushka ee gudaha ugu jira dhulka Ukraine.

Waa markii ugu horreysay oo Mareykanku uu Patriot-kiisa gaynayo dalkaasi Ukraine, waana hubka uu Madaxweyne Zelenskyy ku qeexay mid gacan ka gaysan doono ka hortagga bartilmaameedyada uu Ruushku ku hayo kaabeyaasha dalkiisa.

Horseed Media