Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo khudbaddiisa sanadlaha kaga hadlay arrimo kala duwan

Published: February 8, 2023

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa xalay khudbaddiisii sanadlaha ka hor jeediyay Labada Gole ee Congress-ka Mareykanka, isaga oo khudbaddiisa State of the Union kaga hadlay guulaha uu gaaray muddadii uu xafiiska joogay.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray qorshaha maamulkiisa ee siyaasadda dhaqaalaha gudaha, amniga, baaq uu u jeediyay Xisbiga Jamhuuriga iyo qodobo kale, oo uu ka mid yahay xiriirka Mareykanka ee caalamka.

Madaxweynaha ayaa soo hadalqaaday qorsheyaashii uu maamulkiisu wax kaga qabtay saameyntii dhaqaale ee ka dhalatay xanuunka safmarka ah ee COVID-19, waxaana uu sheegay labadii sano ee xafiiska uu joogay inuu abuuray 12 milyan oo shaqo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu saxiixay sharci cusub, kaas oo wax lagaga qabanayo sinnaan la’aanta dhinaca canshuuraha, bacdamaa shirkadaha waaweyn ee dalkaasi aanay bixin canshuurihii laga rabay. Sharcigan ayuu sheegay in uu horseedayo in shirkadaha ballaayiinta dollar sameeya lagu canshuuro amaba ay bixiyaan canshuur dhan boqolkiiba shan iyo toban.

Madaxweyne Biden oo ka hadlayay halista horaan soo food-saartay nidaamka dimoqraadiga ee dalkaasi iyo sida ay uga gudbeen ayaa yiri “Laba sano ka hor waxaa nidaamkeena dimoqraadiga soo wajahay halistii ugu weyneyd, tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii sokeeye, hase yeeshee maanta inkastoo ay nabaro ina gaareen, haddana nidaamkeena dimoqraadiga waxa uu yahay mid amni oo aan jabeynin.”

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada Xisbiga Jamhuuriga ugu baaqay inay la shaqeeyaan Xildhibaanada Xisbiga Dimoqraadiga, isagoona yiri “Waxaa la joogaa xilligii aanu wada shaqayn lahayn.”

Joe Biden, Madaxweynaha Mareykanka ayaa mar uu ka hadlayay amniga waxa uu soo hadalqaaday dil ay Ciidamada Booliska nin dhallinyaro ahaa ugu gaysteen Gobolka Tennessee.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la tababaro ciidamadaasi, si ay u ilaaliyaan nafta muwaadiniinta.

Madaxweyne Biden ayaa waxa uu ku baaqay in la meelmariyo sharciga dib-u-habeynta ee Ciidamada Booliska, kaas oo muhiim u ah sinnaanta muwaadiniinta.