Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo maanta gaaray Israel

Published: July 13, 2022

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta gaaray Israel isaga oo billaabay safar muhiimad sare leh oo uu ku bixinayo Bariga Dhexe.

Ujeedka ugu weyn ee safarka ayaa ah inuu xulufada Gacanka ku cadaadiyo inay kordhiyaan wax soo-saarka shidaalka la iskuna soo dhoweeyo Saudi Arabia iyo Israel.

Biden ayaa laba maalmood ku bixin doona Jerusalem, halkaasi oo uu wada-hadallo kula yeelan doono hoggaamiyeyaasha Israel kahor inta aanu Jimcaha Daanta Galbeed kula kulmin madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas.

Kadib waxa uu duulimaad toos ah Israel uga qaadan doonaa Jeddah, Saudi Arabia – isaga oo noqonaya madaxweynihii ugu horreeyey ee Mareykan ee sidaas sameeya – wuxuuna Jimcaha wada-hadallo la yeelan doonaa saraakiisha Sacuudiga, isaga oo sidoo kale ka qeyb-gali doona kulan madaxeedka dalalka Khaliijka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegaya in safarka – oo ah kii ugu horreeyey ee Biden uu ku tago Bariga Dhexe isaga oo madaxweyne ah – uu dhalin karo tallaabooyin ku wajahan aas-aasidda xiriir ay yeeshaa Saudi Arabia iyo Israel, oo ah labada dal ee ugu awoodda badan xulufada Mareykanka ee gobolka.

Safarka ayaa looga dan leeyahay xoojinta xasilloonida gobolka, dheereynta is-dhexgalka Israel iyo dalalka gobolka iyo ka hortigista saameynta Iran iyo gardarrada Russia iyo China.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *