Madaxweynaha Puntland oo kulan afur u sameeyey Golaha Wasiirada Cusub

Published: March 14, 2024

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa kulan Afur ah ugu sameeyay Qasriga Madaxtooyada xubnaha Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa markale u hambalyeeyay xubnaha Golaha Wasiirada oo ay usoo dhammaatay xilwareejintii ay xafiisyada kula wareegeen, wuxuuna u rajeeyay in alle u fududeeyo masuuliyadda ay Bulshada u qaadeen.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, xubnaha Golaha Wasiirada, La-taliyeyaal, Saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.