Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatey guddiga amniga gobolka Nugaal

Published: August 19, 2020

Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe wxaa lagu qabtey kuan uu guddoomiyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, shirka ayaa ku saabsanaa arrimaha amniga ee gobolka Nugaal iyo caasimadda Puntland, waxaana ka soo qaybgalay, Guddoomiyah gobolka Nugaal Duqa Garoowe iyo Taliyaha qaybta, sidoo kale waxaa kulanka ka qaybgalay taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Puntland iyo Taliyaha ciidanka Madaxtooyada Puntland oo horey u ahaa taliyaha qaybta gobolka Nugaal.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystey masuuliyiinta gobolka ahna Nugaal dhacdooyinkii u danbeeyey iyo xaaladda gobolka.

Kulanka ayaa la isla qaatey sidii loo dar-dargelin lahaa amniga gobolka iyo kan caasimadda loona adkeyn lahaa.

Maalmihii u danbeeyey dadweynaha ku dhaqan Garoowe ayaa ka cabanaayey tuugo abaabulan oo xiiraa ah, kuwaas oo boob u geystey meherado ganacsi iyo dad shacab ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *