Madaxweynaha Puntland oo safar ku tegaya degmada Eyl ee gobolka Nugaal

Published: September 1, 2022
siciid deni xeeebta eyl
Madaxweyne Deni xeebta Eyl, May 2019

Wararka Horseed media soo gaaraya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed uu safar ku tegaayo magaalada xeebta ah ee Eyl, halkaas oo ay hadda gaarayaan wefdi hordhac u ah safarkiisa.

Safarka Madaxweynaha ayaa daaran dhismaha golaha deegaanka ee degmada Eyl oo kamid ahayd saddexdii degmo ee ay ka dhacdey doorashada hordhaca ah muddo sannad ka hor ah.

Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Eyl oo ka kooban 27 xildhibaan ayaan weli fariisan, sanad kadib doorashadoodi, waxaana ay calaamdda fashilka u noqotey hirgelinta barnaamijka xisbiyada oo si niyad ah lagu galay sanadkii hore.

Ururka Kaah ee uu guddoomiyaha ka yahay Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku guuleystey 13 kursi oo kamid ah kuraasta 27 ah ee degmada Eyl, laakiin waxaa ururku isku qabsadey cidda u noqoneysa musharax, iyada oo Xildhibaanada ugu badan ay wateen musharaxa dowladda mid aan ahayn.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa bisha Oktoobar 2022 ee sanad kadib doorashadii hordhaca ahayd isu diyaarinaya in uu 24 degmo oo kale sanadki 2023 ka qabto doorashada goloyaasha deegaanka.

Inkasta oo wakhtigu gabaabsi yahay ayna hadda muuqato caqabadihii maamuladii ka horeeyey ay la kulmi jireen.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *