Madaxweynaha Puntland oo xil ka qaadis iyo xil magacaabid sameeyay.

Published: February 6, 2020

Madaxweynaha Dawlada Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ayaa xilkii ka qaaday Agaasimaha Guud ee Raadiyaha iyo Tvga Dawlada Puntland Jamaal Arab Yuusuf isagoo xilkaas si kumeel-gaar ah ugu magacaabay Agaasime ku xigeeka Tvga Dawlada Daahir Cabdiqaadir Axmed.

Digreetada Madaxtooyada kasoo baxday ayaa sidaan u dhignayd.

Madaxweynaha Dowladda Puntland:-

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Jamaal Carab Yuusuf laga qaaday xilka Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.

2. Waxaa Daahir Cabduqaadir Axmed si ku meel gaar ah loogu magacaabay Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay madaxweynuhu.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *