Madaxweynaha Dawlada Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ayaa magacaabay Agaasime waaxeedyo ka tirsan Madaxtooyada Dawlada Puntland. Xilalkaan ayaa inya badan loo magacaaby rag dhalinyaro ah oo gudaha dalka wax ku bartay.
1: Jamiil Naasir Maxamed Waxaa loo Magacaabay Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Gaalkacayo.
2: Liibaan Aw Jamac waxaa loo Magacaabay Agaasimaha Xiriirka Dadweynaha Madaxtooyada Dawlada Puntland.
3: Cabdiraxmaan Cali Seed Waxaa loo magacaabay Agaasimaha Xiriirka Hay’adaha Madaxa Banaan ee Madaxtooyada.
4: Abshir Ali Qood Waxaa loo magacaabay Agaasimaha Mashariicda Madaxtooyada.
5: Ali Ahmed Saciid waxaa loo Magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada Degmada Qardho.
6: Jaamac Yuusuf Jaamac oo horay u ahaa Afhayeenka Dawlada Waxaa loo magacaabay Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland.