Madaxweynaha Puntland oo xilkii ka qaaday gudoomiyihii gobolka Nugaal

Published: September 24, 2018

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyihii gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Fara-weyne kadib warteegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa gudoomiyaha gobolka Nugaal u magacaabay Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir)

Hadaba hoos ka akhriso wareegtada ka soo baxaday madaxweyne Gaas

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 24 Sep 2018 magcaabay Guddoomiyaha Gobola Nugaal.

Xeer Madaxweyne Lr.132 Sep 22, 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Puntland.Markuu Arkay Dastuurka Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo

Markuu la Tashaday: Madxaweyne ku xigeenka Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

2.Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *