Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo kooxda Aaran-jaan yaa u garnaqi doona?

Published: September 12, 2022
Maalin farxadeed u ahayd kadib gushii Deni 8.1.2019 ee Madaxeeynaha Puntland, ninka salaamaya waa Shiddo

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daahfurey tababar loo qabtey goloyaasha deegaanada doorashada ku yimid iyo arrimaha dimoqraadiyadda kaas oo lagu qabtey magaalada Garoowe.

Khudbadii uu Madaxweynuhu halkaas ka jeediyey ayuu si weyn ugu duurxulay ulana hadley kooxdii soo dhistey isaga ee Aaran-jaan ee ay hadda kala irdhoobeen isla markaana xabbadu isugu jirto.

Madaxweye Deni ayaa yiri koox gaar ah oo wada socotaa ma maamuli karaan Puntland, isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri waxaa jira dad siyaasadda u soo gala in ay ka shaqaystaan waxaan ka digayaa kuwa u soo gala in ay siyaasadda ka macaashaan ha furtaan shaqooyin gaar ah iyo ganacsiyo, hadalkan ayaa ah madfacii u horeeyey ee Deni ku rdio kooxdii la shaqeysey xiligii uu u baahnaa ee ololaha doorashada Puntland ku jirey sanadkii 2018.

Xildhibaan Cali Xoosh ayaa bilaabey weerarka ka imaanayey kooxda Aaran-jaan, waxaana uu mar sii horeysey Madaxweyne Deni ku tilmaamey nin iimaankii ka tegay, sida uu wax u doonaayana aysan u soconeyn.

Dhanka kale waxaa la isweydiinayaa kooxda Aaran-jaan sidee midowgoodi noqon doonaa, waxaa muuqata hadda in wasiirka maaliyadda Xasan Abgaal uu doonaayo xilkiisa sii haysto ilaa la gaarayo wakhtiga uu ololihiisa doorashada ku dhawaaqayo maadaama aanu saaxibadiisa hoose damaciisa ka qarin.

Todobaadkan ayuu Madaxweynuhu xilkii ka qaadey Cabdiweli Seed wasiir ku xigeenkii Xanaanada Xoolaha, Wasiiru dowlihii Madaxtooyada oo labaduba xiriir dhaw la lahaa Maxamuud Shiddo, oo farxad hoolka baarlamaanka la ilmeeyey kadib doorashadii Siciid Deni, sidoo kale waxaa shaqadii baneeyey Cabdiweli Timacadde oo kamid ahaa kuwa ku xiran Aaran-jaan.

Waxaa la filayaa in todobaadyadan ay sii xoogeysato dagaalka siyaasadeed ee ka dhex qarxey shirkaddii siyaasadeed ee dalkan la wareegtey 2019.

Ugu danbeyn marka lee eego damaca kala duwan ee ku jira kooxda Aaran-jaan, waxaa la is-weydiinayaa sida Puntland u ekaan doonto 2024, maadaama geedkii Aaran-jaan beereen 2019 la arkey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *