Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo sheegay inuu ka fikirayo in uu xilka sii hayo 20 sano oo kale

Published: July 10, 2022

Hoggaamiyaha Rwanda Paul Kagame oo xilka hayay in ka badan 20 sano ayaa sheegay inuu ka fikirayo in uu xafiiska sii joogo 20 sano oo kale.

Waxaa uu u sheegay teleefishin kasoo baxa Faransiiska in uu u tartamayo xilka madaxweynaha doorashada nagu soo aadan ee ka dhaceysa Rwanda.

Ninkan 64-ka ah ayaa sanadkii 2015-kii baddalay dastuurka dalkaas si uu u helo fursad uu xilka kusii hayo tan iyo 2034-ka.

Doorashadii madaxtinimo ee ugu dambeysay ee Rwanda waxay natiijada muujineysay in Kagame uu helay boqolkiiba 99 codadkii la dhiibtay.

Madaxweyne Kagame ayaa si weyn u difaacay kaalinta dalkiisa uu ka qaatay ilaalinta xuquuqda aadanaha kadib shirkii dalalka ka tirsan ururka barwaaqo sooranka ee ka dhacay caasimadda magaalada caasimadda ah ee Kigali.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *