Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo cafis u fiyay 594 maxbuus

Published: November 10, 2022

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa cafis u fiyay 594 maxbuus oo ku kala xiran xandiyada caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Maxaabiista oo ah kuwa danbiyada fudud galay ayaa cafiskooda loo sababeeyey si looga taxadaro in xumad daran oo jeelasha ku fideysa.

Cafiska ayaa lagu sheegay in aanu wax  saamayn ku lahayn xuquuqda madaniga ah iyo raad ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen.

Xumada Dangi oo ay faafiso kaneecadu, ayaa faro ba’an ku haysa shacabka Somaliland, dad badan ayaa ku naf waayay xumadan, waxaana jira kumanaan kale oo isbitaalada iyo guryaha u jiifa.

Horseed Media