Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo daah-furay Mashruuc lagu balaarinayo Biyaha Hargeysa

Published: October 10, 2022
Shares4

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay wejiga labaad ee mashruuca biyo ballaarinta caasimadda Hargeysa oo ay muddo dheer soo wadday wakaaladda biyaha Hargeysa.

Munaasibadda mashruucan oo lagu qabtay deegaanka Geed-deeble ee waqooyiga Hargeysa oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, madaxda wakaaladda biyaha Hargeysa, safiirro, siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa ka jeediyey madasha, ayaa ugu horrayn horumar weyn oo la gaaray ku tilmaamay in mashruucani maanta soo gebogeboobo.

Maxaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ammaanay cid kasta oo ka qayb qaadatay in dib-u-ballaarinta Hargeysa guul laga gaaro, isaga oo si gaar ah carrabka ugu dhuftay hay’adaha kala duwan ee hawshan ku lugta leh.

Intaas kaddib, madaxweynuhu waxa uu kormeer kooban ku sameeyey ceelasha cusub ee biyo-ballaarinta caasimadda Somaliland loo diyaariyey, kuwaas oo si habsami leh u shaqayna.

Horseed Media