Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo u safray Jabuuti, xilli uu dalkaasi ku sugan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh

Published: December 7, 2022

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa safar maalmo kooban qaadan doona ugu baxay dalka Jabuuti.

Waxaana Madaxweynaha Safarka ku wehelinaaya Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Keyd Maxamuud iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi.

Safarka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixe ee dalka Jabuuti ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xilli Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin dalkaasi.

Sida ay sheegayaan warar aan la xaqiijin, Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa ku kulmi doona dalka Jabuuti, si loo amba qaado wada-hadalladii labada dhinac.

Horseed Media