Madaxweynaha Somaliland oo Dowladda Somalilya & Puntland ku eedeeyey dhibaatada Laacsaanood

Published: January 3, 2023
Shares42

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlay xaaladda Laacsaanood ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay xal ka gaarto qalalaasaha Magaaladaasi.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ku filantahay xalinta mushkilada Laascaanood, isagoo markale tacsi u diray dadkii ku wax yeeloobay dhibaatadaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha waxa uu sheegay talaabada ugu horaysa ee ay xukuumadiisu qaadayso ay tahay in nabada magaalada si buuxda loo sugo, isla markaana waxgaradka reer Laascaanood lagala shaqayn doono xal u helista dhibta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in badanka dadkii Laascaanood lagu dilay 15 kii sanno ee lasoo dhaafay ay ahaayeen saraakiil ka tirsan xukuumada, iyo dad jecel Somaliland, isaga oo sheegay in la qabtay badanka dadkii dilalkaa gaystay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii waxa uu dhinaca kale u digay siyaasiyiinta qaar kood oo ku baaqay in ay Somaliland Sool ka baxdo, isaga oo sigaara ula hadlayay Puntalnd ayuu yidhi 

“Maanta anagu waxaanu u taaganahay nabad iyo jaar wanaag, waxaananu leenahay dagaal lagama faa’iidee ka joog”. Ayuu yiri

Dowlada Soomaaliya ayuu Madaxweyne Biixi ku eedeeyay in ay ka danbayso dagaalka uu madaxweyne Deni sheegay in uu Somaliland kusoo qaadayo, waxaana uu sheegay in Somaliland dhulkeeda difaacayso, hadii 5-ta maamul goboleed ee Soomaaliya soo weeraraan.

Horseed Media