Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Qarax Ka Dhacay Gobolka Togdheer

Published: November 14, 2020

Madaxweynaha Soomaaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay qarax ahaa miinada dhulka lagu aaso ah oo gelinkii dambe ee galabta ka dhacay duleedka degmada Balli-dhiig ee gobolka Togdheer, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Miinada ayaa la qaraxday gaari nooca dadweynaha kaas oo ay socdeen Arday wax ka barata iskuulka Ina Sanweyne, waxaana halkaas ku geeriyooday qof kamid ah dadkii saarnaa gaariga.

Gaariga qaraxu haleelay

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Ibraahim oo ah marxuumka ku geeriyooday qaraxa.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ardaydii kale ee ku dhaawacantay qaraxa Alle uga baryay caafimaad taama siiyo, kana boogo dhayo dhibtaas qarax kasoo gaartay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *