Madaxweynaha Somaliland oo markale war cusub ka soo saaray xaaladda Laascaanood

Published: April 21, 2023

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo saaka salaadda Ciida la dukatay shacabka Hargeysa ayaa markale ka hadlay xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aan marnaba la badali karin xadka Somaliland (Laascaanood ka go’i karin Somaliland), isagoo tilmaamay in uu lamid yahay xadadka kale ee Soomaalida iyo Afrika ee uu jeexay isticmaarkii.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa markale sheegay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay in xal nabadeed laga colaadda Laascaanood.

Ugu dambeyn Madaxweyne Biixi waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in Somaliland ay dhibaato ku hayso dadka reer Laascaanood.

Horseed Media