Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in aanu kala baxayn ciidankiisa gobolka Sool

Published: May 8, 2023
Shares16

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay dagaalka Laascaanood ayaa ku adkaystey in aanu kala baxayn ciidankiisa gobolka Sool.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay gobalkan aysan 15kii sanno ee lasoo dhaafay ka dhicin dil iyo kufsi oo aysan dhankooda geysan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka deegaanka ay iyagu is maamulayeen, kaliya gudoomiyaha gobalka uu ahaa dhankooda (Beesha madaxweynaha), dilalkii dhacay ayuu sheegay in argagixiso geysanaysay.

“15 sanno ayaan Laascaanood joogney hal dil iyo hal kufsi ma gaysan, dadka reer Sool iyaga is maamulayey keliya Badhasaabka ayaa annaga na ahaa, wada-hadal iyo nabad diyaar baan u nahay balse xuduuddayada kama tanaasulayno qabiilna nagama qaadi karo.” Ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa Isimadda beelaha gobalada SSC & argagixiso is kaashanaysa ayuu ku eedeeyey in ay dagaalka bilaabeen oo ay wali wadaan, dhankoodana ay difaacayaan xaduudaha Somaliland.

Horseed Media