Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in aysan aqbaleyn in Puntland si qabyaaladeed u faragaliso xaaladda Laascaanood

Published: March 14, 2023

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan dadaalada caalamiga ah ee xaaladda magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in ay is xakameeyeen, xabad joojin sameyeen dhankooda, laakiin aysan hirgalin oo dagaalkii socdo.

“Dawlad ahaan xabad joojin isxakameyn ayaannu ku dadaalaynay, tiro sadex goor alle’se ma qadarin oo dhibkii way taagan tahay, dad inaga ah mid ayaan tabasha qaba oo ay tahay in la xaliyo, dawladdaha nagala shaqeynaya nabad raadinta iyo ururada daacada ah waan soo dhaweynaynaa Maanta waxa jooga haloo taliyo” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Sidoo kale Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in aysan aqbaleyn in Puntland si qabyaaladeed u faragaliso xaaladda Laascaanood, isagoo sheegay in dadka SSC ay yihiind ad Somalilander ah.

“Ma aqbalayno in ay Soomaaliya-gaar ahaana Puntland soo faragaliso xaalka Sool, iyadoo hab qabyaaladeed u imaanaysa” ayuu yiri Madaxweyne Biixi,