Madaxweynaha Somaliland oo u dhoofay Jabuuti

Published: December 23, 2020

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta safar u aaday dalka Jabuuti, halkaasi oo uu ka helay casumaad rasmi ah.

Marti-qaadka uu ka helay hogaamiyaha Somaliland, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa lagu soo beegay maalmo kadib shirkii IGAD ee todobaadkan ka dhacay magaalada Jabuuti.

Warmurtiyeedkii laga soo saaray shirkii IGAD ayaa loogu mahadnaqay dalalka jaarka la ah Soomaaliya ee gacan ka geystay dardargelinta wadahadalada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Muuse Biixi ayaa isla bishan safar ku tagay magaalada Nairobi halkaasi oo uu kulamo kula yeeshay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, xiligaasi oo ay dowlada Federaalka Soomaaliya sheegtay inay xidhiidhkii diblumaasiyadeed u jartay Kenya.

Keyse Adam
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *