Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy oo codsi u gudbiyey Sacuudiga

Published: February 28, 2024
Shares16

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo safar ku jooga Riyadh ayaa Salaasadii la kulmay Dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, isagoo sheegay inuu kala hadli doono rajada dhexdhexaadinta Sacuudiga ee dalkaa ay kula jiraan Ruushka, isdhaafsiga maxaabiista dagaalka iyo codsi ah in Boqortooyada Sacuudiga ay ka qeyb qaadato dib u dhiska dalkiisa.

Intii uu socday kulankooda, MBS waxa uu sheegay in Sacuudi Carabiya ay taageerayso dhammaan dadaallada lagu xallinayo dagaalka socda muddada 2da sano ah.

Isniintii, MBS wuxuu la kulmay afhayeenka Baarlamaanka Ruushka oo ay ka wadahadleen xiriirka ka dhexeeya Boqortooyada iyo Ruushka.

Sacuudiga ayaa door muhiim ah ka ciyaaray dhexdhexaadinta maxaabiistii ay is-dhaafsadeen Ukraine iyo Ruushka.

Horseed Media