Madaxweynayaasha Soomaalia & Jabuuti oo ka wada hadlay qiimeynta hannaanka iskaashiga ee labada dal

Published: December 28, 2022
Shares22

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Jabuuti oo ay wehelinayaan Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan Labada dal ayaa yeeshay wada-xaajoodyo ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti, qiimeynta hannaanka iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Labada Madaxweyne oo shir-saxaafadeed wada qabtay kulanka kaddib, ayaa adkeeyey midnimada iyo walaalnimada ka dhaxeysa labada shacab, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga mahadceliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo shacabka Jabuuti sida ay u garab istaageen walaalahooda Soomaaliya, xilligii ay u baahdeen shacab iyo dowlad ahaanba.

Dhankiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta ay u muujiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu ajiibay martiqaad uu u fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si uu markhaanti uga noqdo guulaha laga gaaray howlgallada dib u xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayeen Alshabaab.

Shirka labada dowladood, waxaa Madaxweyneyaasha ku wehelinayey, dhanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac, Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Daa’ud Aweys Jaamac, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Abshir Maxamed Axmed iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud.

Halka dhanka Jabuuti ay ku matalayeen; Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamka Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Dhaqanka iyo Dhallinyarada Marwo Hibo Muumin Casaawe, LaTaliyaha Arrimaha Dhaqanka Aadan Xasan Aadan, Siihayaha Safaarada Jabuuti ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim Yuusuf iyo Danjire Dayib Dubad Rooble.

Horseed Media