Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Dib Ugu Laabtay Kismaayo

Published: August 27, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada Ku Meel Gaarka ah ee Jubbaland kadib safar shaqo oo uu maalmahii lasoo dhaafay ku joogay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo si diiran ugu soo daweeyay odayaasha cuqaasha iyo qeebaha Kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka kaga qeyb-galay shirka madasha wadatashiga qaran ee Arrimaha Doorashooyinka kaas oo lagu gaaray go’aamo wax ku ool ah oo lagu dar-dar gallinayo howlaha Doorashooyinka dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *