Madaxweyne Cali Guudlaawe oo la kulmay Xildhibaanada Labada Aqal ee Hirshabelle.

Published: April 25, 2022

Madaxweymaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa magaalada Muqdisho ee casimadda dalka kula kulmay Xildhibaano ka soo jeeda deegaanada Hirshabelle oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

May be an image of 1 person and indoor

Kulanka Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Xildhibaanada ayaa looga hadlay guud ahaan arrimaha doorashooyinka dalka.

May be an image of 6 people, people sitting and indoor

Sidoo kale, Kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii xubnaha Baarlamaanka ee lagu kala soo doortay Jowhar iyo Beledweyne ay kaalin uga qaadan lahaayeen doorashada Gudoonka labada aqal ee Baarlamaanka.

Kulamadaan dhexmaray Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Xildhibaanada ayaa kusoo aadaya xilli la filayo in toodbaadkaan Muqdisho lagu doorto Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *