Madaxweyne Deni iyo Xisbiyada Siyaasadda Puntland oo ka wada hadlay doorashooyinka qof iyo cod

Published: May 29, 2024

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa caawa kulan la qaatay Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Puntland oo kala ah Mideeye, Horseed, Sincad, Ifiye, Mustaqbal, Shaqaalaha, Runcad iyo Kaah.

Kulanka ayaa looga hadlay u diyaar garowga qabashada Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godabjiiraan , Waxaana la Isku raacay in Doorashada saddexda degmo la qabto inta ka horeysa 1-da August 2024.

Waxaa kulanka ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxa, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani.

Horseed Media