Madaxweyne Deni oo daahfuray shirka jiheynta xukuumada Puntland

Published: May 18, 2024

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa furay Shirka Jiheynta Xukuumadda oo muddo saddex Cisho ah socon doona.

Shirka jiheynta Xukuumadda waxaa lagu soo bandhigaya qorshaha shaqo ee Xukuumadda horyaalla oo lagu jaangooyey Siyaasiyadda Madaxweynaha ee Difaac iyo Dimuqraadiyad, sida ay u wada shaqeynayaan hay’adaha Dowladda iyo horumarinta wadashaqeynta Beesha Caalamka.

Shirka waxaa ay ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeen Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Maxamed Maxamuud Ciise, Golaha Joogtada ah Baarlamaanka, Golaha Garsoorka, Golaha Xukuumadda , Agaasimeyaasha Wasaaradaha, Hay’adaha Madaxa banaan iyo Khuburo Madaxa banaan iyo marti sharaf kale.

Horseed Media