Madaxweyne Deni oo furay Kalfadhiga 53-aad ee Baarlamaanka Puntland – Video

Published: October 25, 2023

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay Kalfadhiga 53-Aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah uga hadlay Waxqabadka Dowladda ee Amniga, Horumarka, Guulaha laga gaaray Dimuqraadiyadda, qorshaha dhameystirka Doorashooyinka Puntland, Guulaha laga gaaray Gobolka Sool, garab istaaga SSCKhaatumo iyo khaladaadka Dastuuriga ay ku kacayaan Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.