Madaxweyne Deni Oo Lagu Soo Dhaeeeyey Cadaado

Published: July 25, 2020

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo uu wehliyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) iyo wafuud kala duwan oo ka kala tirsan labada maamul ayaa saaka safar dhulka ah ku tagey magaalada cadaado.

Labada madaxweyne ayaa inta ay ku sugan yihiin cadaado, waxay la kulmi doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Cadaado.

Dhanka kale wararka ayaa intaas ku daraya inuu madaxweynaha Puntland, Saciid Deni usoo gudbi doono magaalada Gaalkacyo, balse dhigiisa Qoor-qoor ayaa ku sugnaan doona Cadaado.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *