Madaxweyne Deni oo Garoowe ka daah-furay bandhigga buugaagta Nugaal

Published: November 1, 2023

 Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta furay bandhigga buugta ee Nugaal, kaas oo ay sanadkan kasoo qeybgaleen qoreyaal iyo aqoonyahan isaga yimid dalka iyo dibeddiisa. Bandhigga oo socon doona muddo saddex cisho ah waxaa sidoo kale ka qeybgalaya dhallinyaro hal-abuurkooda soo bandhigaya iyo xarumo ganacsi oo muujinaya horumarkooda.

Madaxweyne Dani ayaa boggaadiyey bandhigga buugta Nugaal iyo hal-abuurka dhallinyarada ka qeybgalaya, wuxuuna si rasmi ah ugu dhawaaqay in Puntland ay Garoowe ka dhisayso xarun cilmi-baaris iyo Maktabad taasi oo qeyb weyn ka qaadan doonta horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa qayb qayb u booqday hal-abuurka lagu soo bandhigay munaasabadda, isagoo dhiirigeliyey dhallinyaro hal-abuur farsamo soo bandhigay oo uu ku jiro wiil Diyaarad sameeyay. Waxa uu muujiyey in ay dowladdu garab istaag u sameynayso wixii suuragal ah dhallinyarada dadaalaysa.