Madaxweyne Deni oo la kulmay wakiilka hay’adda FAO ee Soomaaliya

Published: May 6, 2024

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka (FAO) ee Soomaaliya Étienne Peterschmitt iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda, ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeyn ee Dowladda Puntland iyo FAO iyo mashaariicda Hay’adda FAO kala shaqeyso Hay’adaha Dowladda sida horumarinta Beeraha, Kalluumeysiga, Xoolaha, Biyaha, illaalinta deegaanka, isbedelka Cimilada iyo qodobo kale.

Madaxweyne Deni ayaa kulamo iyo shirar la qaadanaya madaxda beesha caalamka iyo hay’addaha caalamiga ah, tan iyo markii ay sheegteen Puntland inay aqoonsaneen dowladda Xasan Shiikh.

Horseed Media