Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddoomiyaha Hantidhowrka Guud ee Puntland

Published: March 19, 2024

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 19-ka March 2024, ayaa magacaabay Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5-aad iyo Qodobkiisa 109-aad faqradiisa 3-aad

Markuu arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo magacaabida Guddoomiyaha Xafiiska Hanti-dhowrka Guud.

Wuxuu xeeriyey:

* Waxaa Cismaan Maxamuud Cali (Qaroofey) loo magacaabay Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Puntland.

* Waxaana shaqo ka joojin lagu sameeyey Dhammaan Guddoomiye Ku-xigeennada Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Horseed Media