Madaxweyne Deni oo Sanadka 2020 Ku Bilaabay Booqasho uu ku Tegay Xerada Ciidamada 54aad

Published: January 1, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa booqashadiisii u horraysay sanadkan cusub wuxuu ku tegay xerada ciidamada daraawiishta ee caasimadda Garoowe,

Madaxweynuhu wuxuu tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Birmadka Madaxtooyada Dowladda Puntland oo muddo 5 Bilood ah tababar uga socday xerada Daraawiishta ee 54-aad.

Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyey dhoolatus ay Ciidamada la tababaray soo bandhigeen, wuxuuna sheegay in tayeynta Ciidamada iyo inay helaan Mushaharaadkooda si joogto ah ay tahay waxyaabihii ay ku guuleysatay Dowladdu sanadka hadda dhammaaday.

Waa qeybtii saddexaad ee Ciidamada Birmadka oo tababar loo soo xiro, Madaxweynaha ayaana dhammaadkii kulanka kula dardaarmay Ciidamada la tababaray in ay noqdaan kuwo sida ay tahay u guta waajibaadka saaran.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *