Madaxweyne Deni: “Shirka Jabuuti ka socda waan dhaliileynaa waana cambaareeyneynaa”

Published: December 29, 2023

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhaliilay shirka Jabuuti uga socda, madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Deni oo xalay hadal ka jeediyay kulan uu ku soo bandhigayay musharaxnimadiisa doorashada madaxtinimo ee Puntland ayaa waxaa uu yiri:

‘Shirka Jabuuti ka socda waan dhaliileynaa waana cambaareeyneynaa, garna ma aha in iyadoo Soomaali ay Puntland ka maqantahay in la yiraahdo Soomaaliya ayaa laga hadlayaa, waa arrin khaldan’.

Horseed Media