Madaxweyne Erdogan oo sheegay inaanay Sweden ka mid noqon doonin NATO

Published: January 24, 2023
Shares28

Dowladda Sweden ayaa haadaan ka tuurtay damaceedii ay muddooyinkii ugu dambeysay ku dooneysay in ay xubin ka noqoto isbahaysiga NATO, ka dib bannaanbixii Sabtidii ka dhacay Magaalada Stockholm ee dalkaasi, laguna gubay kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Bannaanbaxa oo lagu qabtay ka soo horjeedka Xarunta Safaaradda Turkiga ee magaaladaasi ayaa waxaa horkacayay ninka Islaam naceybka ku caanka baxay ee lagu magacaabo Rasmus Paludan, kaas oo u dhashay dalka Denmark, balse sidoo kale haysta dhalashada Sweden.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo si kulul u cambaareeyay tallaabo ay Dowladda Sweden ninka Islaam naceybka ku caanka baxay ee lagu magacaabo Rasmus Paludan ugu ogolaatay inuu dab qabadsiiyo Qur’aanka Kariimka ayaa sheegay inay tahay tallaabo meel dhac ku ah cid kasta, gaar ahaan Muslimiinta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhalleeceeyay in Sweden ay ogolaatay in bannaanbaxaasi lagu taageero jabhadda PKK, oo dagaal kula jirta Turkiga, waana fallaagada Kurdiyiinta oo ay liiska argagixisada ku dareen Turkiga, Mareykanka iyo Midowga Yurub, balse aastamahooda ayaan weli laga mamnuucin dalka Sweden.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay inaanay dowladdiisu taageeri doonin qorshaha ay Sweden ku dooneyso in ay kaga mid noqoto gaashaanbuurta NATO, isaga oo Stockholm u sheegay inaanay filan in Ankara ay ka taageerto, sidii ay xubin uga noqon laheyd gaashaanbuurtaasi.

Turkiga ayaa 29-kii bishii June ee sanadkii 2022 ogolaaday inay dalalka Sweden iyo Finland ku biiraan NATO, ka dib shir ay dalalka NATO ku yeesheen Magaalada Madrid ee dalka Spain, markaas oo Sweden ay aqbashay inay Turkiga kala shaqeyso dalabaadkiisa ku aaddan dagaal-yahanada mayalka adag ee Kurdiyiinta.

Horseed Media