Madaxweyne Farmaajo oo ku sii jeeda maanta magaalada Barawe.

Published: March 9, 2020

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu safar booqasho ah ku tago magaalada Baraawe oo ah Caasimada rasmiga ah ee Maamulka Koofurgalbeed Soomaaliya.

Wafdi hordhac u ah Madaxweynaha oo ay qayb ka yihiin saraakiil katirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay tagay magaalada Baraawe, Ujeedada booqashada Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay inay tahay sidii uu xariga uga jari lahaa garoonka diyaaradaha magaalada Barawe uuna u dhagax dhigi lahaa mashaariic kale.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *