Madaxweyne Farmaajo oo La Kulmay Xubno Ka Socday Ganacsatada Muqdisho

Published: February 13, 2017

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya J Maxamed C/laahi “Farmaajo” ayaa hotelka Aljazeera ee magaaladda muqdisho kulan la qaatay ganacsato mas`uuliyiin ka socotay Rugta Ganacsiga iyo warshadaha ee muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin ayaa markii uu soo gabagaboobay waxaa saxaafadda u sharraxay qodobbadii looga hadlay kulankaasi Cabdi Abshir Dhoorre oo ka tirsan rugta Ganacsiga, waxaana uu sheegay in madaxweynaha ay kala hadleen labo qodob oo la xiriira abaaraha iyo sidii ganacsatadu ay gacan u siin lahaayeen dowladda.

“Somaliya waxaa ka jira Abaaro sameeyey dadka iyo duunyada, sidaa daraaddeed iney Ummadda Soomaaliyeed kuwooda wax haysta oo ay ganacsatada hoggaamineyso iyo Qurba joogta u gargaaraan dadka Soomaaliyeed oo ay Abaaruhu waxyeeleeyeen tan iyo inta ay dowladda ka cago dhiganeyso, Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Gabeyre isagana waa uu aqbalay” ayuu yiri

“Qodobka labaad ee uu Madaxweynaha kala hadlay mas`uuliyiinta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa ah in ay dowladda ka gacansiin doonto ganacsatada dhammeystirka shuruucda qabyada ka ah ganacsatada taasoo laga talo gelin doono ganacsatada Soomaaliyeed iyo maalgashiga dalkooda” ayuu yiri Cabdi Abshir dhoore

Gabagabadii, Madaxweynaha waxaa kaloo uu shalay la kulmay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya oo uu ka guddoomay dhambaal hambalyo oo uu ka siday madaxweynaha talyaaniga.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *