Madaxweyne Farmaajo Oo Saxiixay Sharciga Duulista Rayidka Kadibna U Magaacabay Maareeye

Published: June 22, 2020
Mareeyahaya Cusub, Axmed Macalin Xasan

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Duulista Rayidka oo ay hore usoo ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.


Madaxweynaha ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Mudane Axmed Macalin Xasan, wuxuuna Eebe uga baryay inuu la garab galo masuuliyadda culus ee loo igmaday.


Mudane Axmed Macalin Xasan ayaa aqoon iyo waaya-aragnimo dheer u leh Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya. Wuxuuna shahaada Mastarka ka qaatay Jaamacadda London Metropolitan isaga oo ku taqasusay Maamulka iyo Maareynta Duulista (Aviation Management), Axmed ayaa muddo labo sano ku dhow xilkaas sii haye ka ahaa, kaddib markii xilka laga qaaday Maareeyihii hore Yuusuf Cabdi Cabdulle oo ka mid ahaa saaxibada Madaxweyne Farmaajo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *