Madaxweyne Farmaajo oo u safray Asmara.

Published: January 27, 2020

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta u safray magaalada Asmara ee xarunta Dalka Ereteriya, halkaas oo uu kaga qaybgali doono kulan Madaxeed ku saabsan Iskaashiga Saddex Geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya.

Shirkaan waxaa ka qaybgali doona Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa ku saleysan dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka iyo xasilloonida dowladaha dan-wadaagta ah ee Geeska Afrika sida ay baahisay wakaalada Wararka ee Sonna.

Inta ay kulamadani socdaan waxa ay Madaxdu qiimeynayaan miro-dhalka tallaabooyinka la qaaday si loo xaqiijiyo isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *