Madaxweyne Guudlaawe Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiir Kuxigeenkii Amniga Hirshabeelle

Published: June 13, 2021

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa habeenkii xalay aheyd xilka qaadis ku sameeyay mid kamid ah Wasiiro ku-xigeenada Maamulkiisa.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxaa xilka looga qaaday Wasiir ku-xieenkii Wasaaradda amniga Hirshabeelle Xasan Maxamed Cilmi, isagoona Eedeyn loo jeediyay.

Wasiir Xasan Maxamed ayaa lagu eedeeyay inuu gudan waayay waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday ee Wasaaradda amniga, isla markaana arrintaas ay keentay in shaqada laga eryo, iyadoona aan la magacaabin mas’uulkii lagu bedeli lahaa.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *