Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo la kulmay Isimadii Ka Shaqeeyey Nabadayntii Deegaanka Sheerbi

Published: March 7, 2024

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Isimadii dhaqanka ee ka shaqeynayay nabadeynta Beelaha Walaalaha ah ee deegaanka Sheerbi ee Degmada Waaciye, oo uu hoggaaminayey Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa looga hadlay dhameystirka qodobadii kasoo baxay Shirkii nabadeynta Beelaha Walaalaha ah ee deegaanka Sheerbi ee dhowaan kusoo gebageboobay Degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa uga mahadceliyay Isimada dhaqanka iyo Goleyaasha Dowladda doorkoodii muhimka ah ee ay ka qaateen in lagu guuleysto oo nabad laga gaaro colaadii ka dhacday Sheerbi, wuxuuna u rajeeyay beelaha Walaalaha ah ee wada dega deegaankaasi in ay nabad kuwada noolaadaan illaaliyaana heshiiska nabadeed ee lagu wada gaaray Degmada Carmo.

Horseed Media