Madaxweyne Muuse Biixi oo Puntland ku eedeeyey inay soo agaasintay dagaaladii ka dhacay gobalada Waqooyi

Published: May 18, 2023

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey munaasad lagu xisayey 18ka May ayaa sheegay in dagaaladii horey uga dhacay gobalada Waqooyi ee Kacaanka ahaayeen, kuwa ay Puntland soo agaasintay.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Reer Puntland ku sheegay in ay ahaayeen dadkii duqeeyey Hargeysa, haddana ah Laascaanood ka wadaan dagaalka.

“Dagaalka Laascaanood marna joogsan maayo, inta Taako kamid ah dhulka Somaliland ay cadow kusugan yihiin ama xaduudaheeda laga joogo, ragga hadlayow dagaalkan waa soconayaa waqtigii uu doono ha socdo” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Sido kale Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Sadex nin oo duqeymahaas diiday, mooyee intii kale dhammaantood ay Garoowe joogaann kuwaas oo uu ku sheegay in ay doonayaan inay Somaliland dumiyaan.

“Morgan, ayaad keenteen Laascaanood mar kale, 1988-dii baan is helnay waana ceyrsanay, haddana waan joognaa adiga iyo awoowgaaba waan idin edbinaynaa” ayuu yiri Muuse Biixi.

Horseed Media