Madaxweyne Putin oo ogolaaday in la booqdo Warshadda Nuclear-ka ee Zaporizhzhia

Published: August 20, 2022

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa ogolaaday in Saraakiisha Qaramada Midoobey oo keliya ay booqdaan Warshadda Nuclear-ka Zaporizhzhia ee la haysto.

Tani waxay ka dambeysay, ka dib wada hadal dhinaca teleefanka ah oo dhex maray Madaxweynaha Ruushka iyo dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron.

Madaxweyne Putin ayaa aqbalay in la bixiyo caawimaadda lagama maarmaanka ah ee Saraakiisha Qaramada Midoobey, si ay u taggaan goobta.

Khubarada ayaa walaac ka muujiyay dhaqdhaqaaqyada militari ee iska soo horjeeda ee ka socda aagga warshaddaasi, tiiyoo ay sheegeen inay ka dhalan karto masiibo, haddii aan waxba laga qaban.

Madaxa Hay’adda Caalamiga ee Tamarta Atoomikada (IAEA), Rafael Grossi ayaa soo dhaweeyay ogolaanshaha Madaxweyne Putin, waxaana uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu hoggaamiyo kooxda kormeereyaasha.

Antonio Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in korontada ay soo saarto Warshadda Nuclear-ka Zaporizhzhia ay leedahay Ukraine, ayna tahay in mabda’aasi si buuxdo loo ixtiraamo.

Xoghaye Guterres ayaa ku baaqay in la soo afjaro dhaqdhaqaaqyada iska soo horjeeda ee ka socda soonaha Warshadda Zaporizhzhia, kormeereyaasha caalamiga ahna loo ogolaado inay geli karaan goobtaasi.

Militariga Ruushka ayaa bishii March la wareegay warshaddan, balse waxaa ka hawlgala farsama yaqaanada Ukraine, halka Saraakiisha Ruushkuna ay kormeeraan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *