Madaxweyne Ruto oo diiday inuu saxiixo sharciga maaliyadda Kenya ee muranka dhaliyey

Published: June 26, 2024

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Arbacadii diiday inuu saxiixo sharciga maaliyadda ee muranka badan dhaliyay kaasoo dhaliyay mudaaharaadyo ay dad badan ku dhinteen, wuxuuna dib ugu celiyay baarlamaanka si wax looga beddelo, sida ay ku warrantay wargeysyada Star ee Kenya iyo KTN News.

Booliiska ayaa rasaas ooda uga qaaday dad isugu soo baxay agagaarka baarlamaanka Talaadadii ka dibna gudaha u galay xarumaha baarlamaanka, daqiiqado kadib markii sharci-dajiyayaashu ay u codeeyeen canshuur kordhin ay ku doonayeen in lagu kordhiyo 2.7 bilyan oo doolar.

Dibad-baxayaasha Kenya ayaa Arbacadii wacad ku maray in ay sii wadi doonaan dibadbaxyada looga soo horjeedo canshuur kordhin cusub, maalin kadib markii ay rabshado ka dhaceen bannaanka baarlamaanka iyo guud ahaan dalka oo ay ku dhinteen ugu yaraan 23 qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Wargeyska The Star ayaa sheegay in ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska Ruto ay ku wargeliyeen Madaxweynaha inuu soo jeediyay wax ka beddelka wax ka bedelka xubnaha baarlamaanka oo ay tahay inay tixgeliso.

Ruto, oo wajahaya dhibaatadii ugu cusleyd tan iyo markii uu xukunka qabtay ku dhawaad ​​labo sano ka hor, ayaa khudbad u jeedin doona shacabka 1300 GMT, sida uu sheegay xafiiskiisa.

Horseed Media