Madaxweyne Shiriif iyo Jerry Rowlings oo Muqdisho ku kulmay

Published: February 8, 2012

Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya waxaa maanta kulan ku yeeshay madaxweynaha DKG ah ee Soomaaliya Shariif Sh. Axmed iyo ergeyga gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan arimaha Soomaaliya Jerry Rowlings.

Kulankan oo ahaa mid albaabdu u xiran yihiin islamarkaana saacado badan qaatay ayaa markii uu soo gaba gaboobey kadib waxaa Saxaafadda si kooban ula hadlay kana warbixiyey waxyaabihii looga wada hadlay Jerry Rawlings.

Mr Rowlings ayaa sheegay in kulankii uu maanta madaxweynaha Soomaaliya la qaaatay uu ahaa mid ay uga wada arinsanayeen hanaanka ugu macaquulsan ee lagu soo afjari karo khilaafka iyo is qaqabsiga siyaasadeed ee ka dhex aloosan golaha Baarlamaanka ee DFKG ah.

Jerry Rowlings ayaa sheegay in ujeedada uu magaalada Muqdisho u yimid ay tahay sidii uu uga qayb qaadan lahaa xalinta khilaafka mudanayaasha Baarlamaanka ka dhex jira isagoo sheegay in midowga Africa uu arinta Baarlamaanka Soomaaliya go`aan ka gaari dooni hadii wax xal ah loo waayo.

Ergeyga gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo shalay magaalada Muqdisho soo gaaray ayaa dhinaca kale la filayaa in saacadaha soo socda uu kulamo gooni gooni ah la qaato garabyada muranku ka dhex jiro ee ay xubnaha Baarlamaanku kala raacsan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee khilaafka Baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa mid mudo todobaadyo ah soo jiitamayey ayaa waxaa walaac ka muujiyey golaha xukuumadda ee DKG, waxaana go`aamadii kasoo baxay shirkii ICG ee Jabuuti 2-beri kahor lagu soo xiray kamid ahaa in si dhakhsa ah loo xaliyo muranka mudanayaasha Baarlamaanka si loogu guuleysto in laga guuro KMG nimada.

 

Horseed Media