Madaxweyne Volodymyr Zelensky oo safarkiisii ugu horeeyey ku tagaya Mareykanka tan iyo dagaalkii Ukraine

Published: December 21, 2022
Shares2

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa lagu wadaa inuu maanta oo arbaca ah booqasho ku tago caasimada dalka Mareykanka ee Washington, sida ay sheegeen ilo-wareed laga soo xigtay.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa la filayay inuu kulan suurtagal ah la yeesho Joe Biden iyo khudbad uu u jeedinayo Congress-ka.

Booqashadan ayaa noqonaysa safarkiisii ugu horreeyay ee uu dibadda ugu baxo tan iyo markii uu bilowday duulaankii Ruushka ee Ukraine bishii February.

Wararka qaar ee safarka Madaxweyne Zelensky ayaa sheegaya in ay suuragal tahay in uu ka baaqan karo safarka sababo la xiriira amaanka.

Horseed Media